Untitled document

War saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, marna kama ay qayb gelin
shirarka taxanaha ahaa ee dib u heshiisiinta Koonfurta Somaliya iyadoo caalamkuna
ku qancay in Somaliland aanay qayb ka ahayn dib u heshiisiintaasi.

Haddaba, waxa la yaab leh hadalada hadaaqa ah ee soo noqnoqonaya
kana soo baxaya ashkhaas ku sugan shirka Eldoret ee uu ugu danbeeyey hadalkii
Berdecad ee uu ku sheegay in xukuumadda Somaliland ka soo qayb gasho, haddii
kalena ay casuumi doonaan dad u dhashay Somaliland, haddaba xukuumadda iyo shacbiga
Somaliland waxa ay hadaaqaa u arkaan gef iyo gardaro cad oo aan geedna loogu
soo gaban.

Haddaba, waxa xukuumadda Somaliland ugu digaysaa ashkhaastaasi
inay ka waantoobaan hadalada gefka ku ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn cidii reer Somaliland ah ee hawaysata gacan haadiskaasi
ee tagta isku dayda ka qayb galka shirkaasi ama gasha marino kale oo arrintaa
taageeraya, waxa xukuumaddu ula dhaqmaysaa dambiile Qaran waxaana lala tiigsan
doonaa sharciga iyadoo lagu qaadi doono sharciga xusaya Khiyaamo Qaran (High
Treason), iyadoo horeba loo dhaqan geliyey talooyinkii (Resolutions) ee ka soo
baxay Golayaasha Qaranka JSL, kuna wajahnaa cidii ku kacda khiyaamo Qaran (High
Treason).


Allaa Mahad Leh,


C/laahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

By Siciid Muxumad Huseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *